Waalidiin ayaa isxilqaamay waxayna ku casumayaan waalidiinta deggan Seward iyo ururka macalimiinta kulan dhacayo maalinta Khamiista, 10 maarso, 2022, waqtiguna waa 6:30 p.m. zoom

Waalidiinta Seward,
Sidaad la socotaan, Maalinta Talaada, 8 Maarso, 2022 waxaa ururada Macalimiinta iyo xirfidlayaasha ka shaqeeya iskuulada dawladda magaalada Minneapolis  ku gudo jiraan mudaharaad ay shaqo joojin ku sameeyeen.
Waxaan ognahay muhiimada ay leedahay in la wargeliyo waalidiinta waxa ka socdo iskuulada ay caruurtooda wax ku bartaan, ayna xog ay ka qaataan macilimiin ay is yaqaanaan. Sidaa darteed, Waalidiin ayaa isxilqaamay waxayna ku casumayaan  waalidiinta deggan Seward iyo ururka macalimiinta kulan dhacayo maalinta Khamiista, 10 maarso, 2022, waqtiguna waa 6:30 p.m.
Ajendaha kulaankaan waxaa looga hadli doona ‘Badbaadinta iyo Xasilinta Iskuulada’. Kulaankaan uma furna dadweynaha, waxa uu fursad u yahay waalidiinta iyo macalimiinta inay si hoose u naaqashoodaan, ka wada hadlaan halka uu marayo gorgortanka ururka macalimiinta ay kula jiraan Hogaamiyaasha Iskuulada Dawlaada Magaalada Minneapolis.
Waxaa jiri doono fursado su’aalo la isku waydaarsado, laakiin ma doonayno inay isubedasho muran iyo maran habaabis, mana oggolaan doono ururu dibedda ka imaado inay kasoo qeeb galaan kulankaan oo khaaska ah.
Waxaanu rajaynaynaa inuu wadahadaladaan guul ku dhamaado. Waxaad ogaataan in qof dadka ukala fasira goobta uu kusugan yahay.

Meeting ID: 895 6010 6336
Passcode: SHARKS
 

Comments

Popular posts from this blog

News from Seward's Specialists

Congratulations Mary Delander - we will miss you!

Seward Parent Mtg this Thurs., March 10th at 6:30 PM